Wednesday, July 17, 2013
Boorama waa sidee maanta ?!!!!!!!!!
magalada borama ee xarunta gobolka awdal sideedaba wa magalo soo jiidasho leh oo inta badan ka duwan magaalyooninka kale ee dalka , wa magaalo jawigeedu daganyahay dad badanina ku noolaan karaan cimiladeeda , wa magaalo rooban muddo todobaad ah , wana magaalo ay ku soo jiidanayso neecawdeeda udgooni, saka hadaba wa ay ka duwantahay maalmihii hore iyada oo ay aroor hore tahay waxan soo dhex maray dhawr wado oo badhtanka magalada ah aroortii hore , waxana aad u yar isku socodka dadka walow ay dadku soomanyihiin aroor horana tahay , waxa cirka daday oo qariyay daruuro leh astaan roobed , waxana uu roobku da'ayay tan iyo shalay isaga oo aan kala qaadin , waxana roobkan loo qabay muddo badan hamuum saa 'id ah oo ay dadku wada daremeen , dhulka waxa camiray biyaha uu dhigay roobkii ilaa shalay ka da'ayay magalada , waxa guud ahaan ku indha qabowsaday roobka dadka beeralayda ah ee degan meelaha borama ku teedsan iyo waliba meelaha baadiyaha ah , waxana ay dadku mahadinayaa dhamaan roobkan uu alle keenay, roobkan uu u wehelinayo jawi aad u soo jiidasho badan ayaa sii fududeeyey bisha ramadaan ee barakaysan oo ay dadku soomaan yihiin , waxa sidoo kale magalada laga dareema soonka bisha barakaysan ee ramadaanka oo ay dadku camireen suuqyada iyo masaajidaba , dadka ayaa aad u cibaadaysanaya si ay uga faa idaystaan fadliga bisha barakaysan ee ramadanka, dugisayada iyo jaamacadaha ayaa fasax ah oo ay dhalintu janis u helaan inay ka faa idaysataan ramadanka , waxana magalada ka socda dhaqdhaqaaqa dhanka kubada cagta ah oo koobab badan lagu dhigay magalada , kan ugu caansan aya ah koobka ramadanta ee ka dhaca badhtanka magalada ee dhismaha kheyriyada horteeda oo ay ku lool tamayaan sanadkan inkabadan 32 laba kooxood , isku soo wada duudobo waxa is barbar yaacaya jawiga borama oo ah mid rooban tan iyo ramadanta awalkeeda iyo arimaha bulshada iyo waliba cibaadada oo kor u sii kacaysa
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment