Dhamaan shaqaale weynaha shirkada isgaadhsiinta ee telesom , gaar ahaan site ka borama oo ay u horeeyaan madaxda telesom borama
C/qaadir aadan nuur
C/raxmaan maxamuud jaamac
Sh Deeq abdi hassan
Eng mohamed omer ibraahin
iyo shaqalaha saleska oo ay u horeyaan
Mustafe mohamed daahir
Faarax cabdi ibraahin
Mohamed omer ali (sandheere)
Geedi osman nuur
Mukhtaar xuseen xasan
Axmed yuusuf nuur (koosaar)
Mohamed ibraahin gudi
Sahra c/raxmaan cige
Guleed c/laahi diiriye
Mohamed hamsa aadan
iyo shaqalaha kale ee farsamada oo ay u horeeyaan
Mukhtaar aw cabdi siciid
Eng abdirashiid jibriil yoonis
Cumar nuur rayaale
Mukhtaar cabdi cakaal
Mustafe xuseen codyare
Maxamed faarax ismaaciil
Ismaaciil c/laahi wadaad
iyo ugu danbaytii shaqaalaha security-ga oo ay u horeeyan
Cilmi caateeye muumin
Jaamac axmed wacays
Cismaan cumar jimcaale
Carab iimaan ducaale
Xuseen cali maygaag
iyo waliba shaqaalaha kale ee aan halkan lagu xusin waxanu hamblayo kal iyo laab ah oo dhalasho u diraynaa MAHDI AADAN RIIRASH(GUREY) oo kamid ah shaqalaha borama oo ay maanta oo tariikhdu tahay 17/08/2013 gabadh magaceedu loobixyey AAYAAT MAHDI AADAN ugu dhalatay hosptal ka weyn ee borama , waxanu dhamantayo leenahay soo bar baar adeer oo noqo tii dalkeeda , danteeda, dadkeeda iyo diinteedaba anfacda AMEEEEEEEEEEEEEM, AMEEEEEEEEEEEEEEEN, AMEEEEEEEEEEEN,
Friday, August 16, 2013
Saturday, August 3, 2013
Borama oo roobaysan, Ciidana naawilaysaa kadib ramadan oo dhamad ku dhow
magalada borama waxa cawa is qariyey roob aad u maasheeyey dhulka , biyo badana wadhay , borama ka sokow waxa uu roobku naq dhigay sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay tibaxayan , dhamaan tuulooyinka iyo degmooyinka ku dhaw dhaw borama, nimcada eebe ka sokow oo mudooyinkii u danbeysaba jirtay , waxa borama hadheeyey buuqa , sawaxanka , isjiidadka iyo waliba buuxinta magalada badhtankeeda oo aad ka dareemayso inay soo food saartay bulshada ayamihii ciida fidriga.dhanka kale waxa magalada laga dareemaya dhaqaalah xooga badanle ee magalada soo galaya ayaamahan ciida, dadku waxay tuganyihiin meelaha xawaladaha ah oo qof walba rajayna in uu ka helo lacag uga timaad ehelkii ama qaraabadii intoodii dhooftay, sidoo kale dhaq dhaqaaga magalada ee dhanka ganacsiga ayaa isna isa soo tarya , oo waxa buux dhaafay meelaha meheradaha ah khaasatan , meelaha raashinka iyo dharka laga gato , sidoo kale bacadlaha magalada ayaa camiran oo waxanad ka helayn meel aad ka marto dumar iyo caruur aad suuqa uga adeeganaya, sidoo kale waxa dawyada wadhan oo aad meelkasta indhahaga la raacaysa meelo dhar ama kabo lagu iibinayo , waxay dadku soo qaateen bil uga dhignayd laba cisho raaxadeeda iyo fadligeeda iyo waliba jawiga deganantiisa oo ay wada jeclaysteen dadku inay bishii ramadan ahayd bil aan wali soo marin , waxa kale oo isoo jiitay magalada borama ee laga sameeyey jimciyaad fara badan oo dhanka kheyriga ah oo taakulo iyo wax urursi maalmahan barakaysan ka wada masaajidada iyo goobaha kale ee dadku isugu yimadan si loo ciidsiiyo dadka aan u helin dhaqaale inay ciidaan , dhawrka cisho ee ka hadhay maal maha ciida borama waxay u tahay maalo mashquul iyo wax i dhaafsigu badan yahay , waxana dadka wajiyadooda ka muuqata faraxsanan dheeraad ah , oo ay ku faraxsanyhiin ramadan oo bil cibado wanagsan ahayd iyo malmihii ciida oo soo food saaray,
isku soo wada duuduuboo waxa borama magan u ah dad fara badan oo ku ciidi doona borama oo laga dareemayo magalada sida dadka kasoo xagaa baxay jabuuti iyo dadkale oo magalada marka horeba ku joogay qoxooti ahaan sida dad badan oo koonfur ka yimiday in badana joogay borama, waxan eegnaaba wa borama iyo maalmaha ciida oo aan wax badan akhyaarta barha netke ee debaha iyo dalka ku noolba la wadaagi doono , waxanan idin leenahay soonkan kiisa alaha barwaqo inagu gaadhsiiyo, kana fadligiisa allaha ina siiyo , ciidana allaha caafimaad inagu gaadhsiiyo
isku soo wada duuduuboo waxa borama magan u ah dad fara badan oo ku ciidi doona borama oo laga dareemayo magalada sida dadka kasoo xagaa baxay jabuuti iyo dadkale oo magalada marka horeba ku joogay qoxooti ahaan sida dad badan oo koonfur ka yimiday in badana joogay borama, waxan eegnaaba wa borama iyo maalmaha ciida oo aan wax badan akhyaarta barha netke ee debaha iyo dalka ku noolba la wadaagi doono , waxanan idin leenahay soonkan kiisa alaha barwaqo inagu gaadhsiiyo, kana fadligiisa allaha ina siiyo , ciidana allaha caafimaad inagu gaadhsiiyo
Saturday, July 27, 2013
UDIYAAR GALOWGA SOO DHAWEYNTA SH XUSEEN NUUR QALINLE OO BORAMA LAGA DAREEMAYO :
magalada borama ee xarunta gobolka awdal waxa
si weyn looga dareemaya abaabuka loogu jiro in lasoo dhaweyo sh xuseen
nuur qalinle , oo dhawaan ku gulaystay shahado
caalami ah oo dhanka quraan akhriska ah, sh xuseen wa macalin muddo
badan ka dhigayay quraanka magalada borama ee xarunta gobolka awdal
ardaydiisu ay ku filiqsantahay dhamaan calamka oo dhan , waxa manta ay
qabanayaa indha haygu dad fara badan oo culumo , dhalin yaro, wayeel iyo
calima dadka kale oo badan oo ay kamid yihiin madaxda shirkadaha gaarka
loo leeyahay , oo samaysana calamo garamo iyo wlaiba boodhadh waa weyn
oo ay ku xardhan yihii sawirada sh xuseen nuur qalinle iyo waliba
sawiradi shawahadadii lagudoonsiiyey, waxa ay sheegayan wararka isoo
gaadhayaa in loo saaray soo dhaweyntiisa gudi qaban qaabo oo isugu jiro
culumo iyo waliba dadkale oo ganacsato iyo wax garadble leh , sida la
sheego bari ayuu kusoo beeganyahay magalada borama ee xarunta gobolka
awdal sida laga sheegay shalay masaajido badan khudbadii , sh xuseen wa
dhawr iyo konton jir ruug cadaa ah dhanka quraanka iyo sanadkaba, sida
ay ii shegeen ilo ku dhaw dhowna waxa uu wax ka bartay sheekhii weyna ee
sh cali suufi allaha unaxariistee oo keenay tajwiidka somalia, sh
xuseen dadkii uu waxbaray ayaa ah qaar iyaguna hada macalimiin ah iyo
waliba qaarkale oo ku guulasytay abaal marino tartanka quraanka kariimka
ah oo isugu jiray mid caalami ah iyo kuwa maxali ahba .
waxan isku dayi doonaa inaan soo bandhigo taariikhdii sh xuseen nuur qalinle oo kooban incha alaah.
waxan isku dayi doonaa inaan soo bandhigo taariikhdii sh xuseen nuur qalinle oo kooban incha alaah.
Wednesday, July 17, 2013
Boorama waa sidee maanta ?!!!!!!!!!
magalada borama ee xarunta gobolka awdal sideedaba wa magalo soo jiidasho leh oo inta badan ka duwan magaalyooninka kale ee dalka , wa magaalo jawigeedu daganyahay dad badanina ku noolaan karaan cimiladeeda , wa magaalo rooban muddo todobaad ah , wana magaalo ay ku soo jiidanayso neecawdeeda udgooni, saka hadaba wa ay ka duwantahay maalmihii hore iyada oo ay aroor hore tahay waxan soo dhex maray dhawr wado oo badhtanka magalada ah aroortii hore , waxana aad u yar isku socodka dadka walow ay dadku soomanyihiin aroor horana tahay , waxa cirka daday oo qariyay daruuro leh astaan roobed , waxana uu roobku da'ayay tan iyo shalay isaga oo aan kala qaadin , waxana roobkan loo qabay muddo badan hamuum saa 'id ah oo ay dadku wada daremeen , dhulka waxa camiray biyaha uu dhigay roobkii ilaa shalay ka da'ayay magalada , waxa guud ahaan ku indha qabowsaday roobka dadka beeralayda ah ee degan meelaha borama ku teedsan iyo waliba meelaha baadiyaha ah , waxana ay dadku mahadinayaa dhamaan roobkan uu alle keenay, roobkan uu u wehelinayo jawi aad u soo jiidasho badan ayaa sii fududeeyey bisha ramadaan ee barakaysan oo ay dadku soomaan yihiin , waxa sidoo kale magalada laga dareema soonka bisha barakaysan ee ramadaanka oo ay dadku camireen suuqyada iyo masaajidaba , dadka ayaa aad u cibaadaysanaya si ay uga faa idaystaan fadliga bisha barakaysan ee ramadanka, dugisayada iyo jaamacadaha ayaa fasax ah oo ay dhalintu janis u helaan inay ka faa idaysataan ramadanka , waxana magalada ka socda dhaqdhaqaaqa dhanka kubada cagta ah oo koobab badan lagu dhigay magalada , kan ugu caansan aya ah koobka ramadanta ee ka dhaca badhtanka magalada ee dhismaha kheyriyada horteeda oo ay ku lool tamayaan sanadkan inkabadan 32 laba kooxood , isku soo wada duudobo waxa is barbar yaacaya jawiga borama oo ah mid rooban tan iyo ramadanta awalkeeda iyo arimaha bulshada iyo waliba cibaadada oo kor u sii kacaysa
Thursday, July 11, 2013
DOORKA TAFATIRAHA (MAQAALKAN WAXAN KASOO MIN GUURIYEY MOHAMED DHOORE)
Editor ama turxaan bixiye waa qofka haya shaqada ugu adag raadiye tv website ama jaraaid
Qofkani waa shaqsiga iska leh masuuliyada wax kasta oo lagu qoro ama ka
baxaya halka uu tafo tiraha ka yahay waana qofka lagu qaadayo danbi iyo
gaf kasta oo lagu galo idaacada amtvga ama jaraaidka uu mas uulka ka
yahay
Qaar ka mid ah turxaan bixiye yaashu waa ay fududeystaan
hoowshan qaarkoodna waxa ay u isticmaalaan doorkooda waxa ay iyagu jecel
yihiin iyaga oo ka faaideysanaya masuuliyada ay hayaan
Waxyaabaha laga rabo editorka
Waxaa jira dhowr arimood oo muhiim ah in uu kulansado qofka
masuuliyadaan culus qabanaya kuwaas oo ku u qaadayada tayada shaqada
laga rabo kana dhigaya mid hufan oo nadiif ah
1. Confidence and good plans. In uu yahay qof kalsooni qaba islmarkaana hindasiyaashiisu ay wanaagsanyihiin
2. In depth knowledge of media. In uu garasho wanaagsan u leeyahay
saxaafada islmarkaana ka qabo aragti qoto dheer oo uu yahay qof wax
badan og
3. Ability to generate ideas. In uu lee yahay karti uu ku
abuuri karo fikrado sheeko ama war noqon kara ama in uu yahay hal abuur
wax soo kordhinaya
4. High level of IT skills. In aay aad u sareyso
heerka xirfada ee uu ka joogo dhinaca It ama isticmaalka aaladaha sida
computers iyo wixii la xiriira ee muhiimka u ah saxaafada
5. Ability to deal with the team. In uu leeyahay awood uu kula dhaqmo dadka la shaqeenaya
6. Ability to research things. In uu leeyahay awood uu wax oo sameenaya
daraasaad islamarkaana uu yahay qof maskax furan oo aad wax u aqriya
lana socda waxyaabaha soo kordha markasta
Waajibaadka laga rabo tafo tiraha
1. Selection of the stories. In uu xulo sheekooyinka warka noqonaya uu aad ugu dhabo galo
2. Checking the facts. In uu baaro xaqiiqada warbixinada
3. Commissioning. In uu wariyeyaasha wararka u kalo diro in uu ka talo bixiye shaqada maalinkaas la qabanayo
4. Keeping editorial ethics. In uu ilaaliyo anshaxa guud ama waxyaabaha looga baahan yahay turxaan bixinta.
Afka somaliga iyo kalmadaha cusub ee u bahan in la soomaliyeeyo
wakhtiyadii hore waxa jiri jiray dawladii somaliya waax cilmi baadhised oo ay kamid ahayeen dadyaw kala duwani sida aqoonahada , gabayaga ,odayada dhaqanka,ururada shaqalaha ,ururada bulshada rayidka. macalimiinta, waxaha ciidamada iyo waliba kuwa kale oo badan , waxana la isku dayi jiray ina kalmad kasta oo somali u bahan la somaliyeyo magaca somali ahna loohelo , hase ahatee waxa baryahan danbe soo badanayay maadaama ay meesha ka baxday waaxdii cilmi baadhistu kalmado badan o u baahan in la soo maaliyeeyo, kal madahasi waxa kamid ah
1. download garee
2. upload garee
3. save garee
4. silent garee
5. internet
6.back up garee
iyo kuwa kale oo aad utiro badan oo anan halkan hada ku xasuusan, hadaba yaa laga rabaa inay ku biriyan kalmadahni iyaga oo la soomaaliyeyey afka somaliga oo ah luqad hodan ah dhankastaba ,
1. download garee
2. upload garee
3. save garee
4. silent garee
5. internet
6.back up garee
iyo kuwa kale oo aad utiro badan oo anan halkan hada ku xasuusan, hadaba yaa laga rabaa inay ku biriyan kalmadahni iyaga oo la soomaaliyeyey afka somaliga oo ah luqad hodan ah dhankastaba ,
Friday, July 5, 2013
walaalkay DR abdirahamaan omer ali oo kamid noqday guulaystayaal 12 imtixaan adag kadib.
waxa cawa daqiiqado ka hor ka mid noqday guulaystayaal 14 ah oo helay imtixaankii finalka ee group kii ugu horeyey ee kabaxa jaamacada camuud ee kulliyada ILKAHA AH (DENTISTRY) WALAALKAYGA QAALIGA AH DR. ABDIRAHMAN CUMAR CALI XADDI walal aad iyo aad ayaan kugu hanbalyaynayaa adiga iyo inta kale ee qalin jabisay isla markaana dhamaystiratay dhamaan courses kii iyo waliba examkii ugu danbeeyey oo aan ogaa inaad hadh iyo habeen soo jeeday , dadaalkaaguna uu ahaa mid muuqday , walaaaaaaal markale cawaa aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqoto guulaystayaasha , wa habeen nagu qaali ah dhamaan hadaanu nahay reerkeena iyo hadaanu qaraab nahay iyo sidoo kale hadaano ehel kaleba nahay , hada laga bilaabana waxa tahay dector buuxa , macha alaha , marakel waxan ku leeyahay cilmigaas sii wada hana dayn hanbalyana.
Monday, July 1, 2013
muxu tari doona talow blogg-gan aan samastay
aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa dhamaan akhyaarta qiimaha leh iyo dadka kale e qarabada aan nahay ee aan ka wada xiriirno baraha kala duwan internet-ka , waxanan marka hore idinkusoo dhaweynayaa blogg-gan aan ugu tala galay inaan kusoo bandhigo aaraa iyo fikiro badan oo iga buuxa ,sida wax yaabo kala gadisan oo dhanka saxafada u badan oo ama waayo aragnimo ah oo aan cid kala kulmay ama ka maqlay ama sidoo kale ay igu kordhiyeen cid khibrad u aleh arimaha saxafada , sidoo kale waxan u adeegsan doona inaan wax badan oo fursooyin ah oo jiri kara oo dhankasta ba leh , sida saxafada, ganacsiga iwm ahaba kusoo bandhigo , blogg-gaygan waxan kaga sheekayn doona waxyaabo badna oo bulshada anfac u yeelan doona incha alaah gaar dhalinyarta jecel wax qabadka iyo waliba horumarka bulshada anaga o wadaagi doona waxyaabo dhanka khibrada ah iyo waliba tacliinta heerarkeeda kala gadisanba , wixii tala ahna sidoo kale kama maqnaan doonan ee waanu soo kordhin doona .
aad ayaad idinkaga mahadcelinaya booqashadiin
Subscribe to:
Posts (Atom)