Friday, June 5, 2015

Inta Damiir-kagu ku siin karo

     

            Inta badan waxa an la nool nahay xalado is dhalan rogaya oo u bahan in mid ba meesheeda lagu abaaro, Is bad badalka xaaladuhu waxay la dhasheen oo ay ku lamaanyihiin wakthiga aad kolba joogto , waxase daba socda oo nolosha gundhig u ah hagar daamo iyo guulo is daba yala, waxana inta badan guulaha iyo rajooyinka qofka kor u qaada kolba hamiga iyo hanka uu noloshan ka leeyahay iyada oo aysan ka marnayn in dadaal dheeri ah uu bixiyo, guulaha dadka qaar aya u fasirta siyaalo kala duwan lakin waxay farxad galiyaan qofka hantay guushaas, loo malayn mayo in qofina guul u gaadhay ka xumado, lakiin mararka qaar waxay dantu kugu kalifta in guushaas ad ka biyo diido, marka cadadis kaa badan iyo wax adan xalinteeda awood u lahayni ka horyimaadan lakiin loo baahanyahay inaad dulqaad la timaad . sideedaba lama amaanin qof ay macno u samaysay hagardamada nolosha jaalka la ihi, dhibta aduunkan meelkasta way taala lakin waxa loo mara xalinteeda wadiiqooyin kala gadisan oo tan ugu sax sani tahay inaad xal u hesho dhibtaas , dad badan waxay u hasytaan in cid hadii  la hagardaameyo ay iyagu guul ku jiraan iyaga oo aan ogayn in doonta ay saaranyihin tahay tan ay jalaafada u dhigayaan, waxay dadnimadu ku jirta damiirkuna ku faraya in aad ka joogto waxkasto oo xumaato iyo dhib ku keeni kara adi ama ku keeni kara cid kale oo walal kaa ah. waxase aan meesha ka marnayn inaad diidi karto waxa sharaftaada iyo dadnimadada wax yeelayn kara,, cida ku taamaysa inaad qayb ka noqoto hagardamo cid kalena aad tusi karto waji kaa kaduwan, waxa damiirkeenu ina siinaya inaan cidkasta wanageda ka shaqayno, xumaantana ka fogaano, dadkana isku xirkisa ka shaqayno, danteenu ka tagid maleh oo iyada aya marwalba kaw ah lakin aynaan indhaha ka qabsan daryeelka, taakulaynta iyo la dhaqanka bulshada aan ku dhex nool nahay, wax kasta oo guul keeni kara oo dhibta aduunkan daboli karta oo ay cid kale qabato farxadeeda ayay leedahay, waase hadii lagu garab galo hirgalinta wanaga cidaas wado ,waxa dhib kugu filan inaad raali ka noqoto wax aysan marna naftaadu jeclaateen oo aad cid kale u quudho, damiirka wanagsani wuxu na faraya marna inaynaan rali ka noqon waxyabaha bulshadu ay dhibsanayso iyo cida ku fooganba , adi waxa ku saaran inaad qayb ka noqoto sidi aad u tir tiri lahayd waxa hagardaamoyinka gun dhiga u ah ee ay beertay cid kale oo aanad wadiiqadeeda sii qaadin, inaad ku sifowdo waxa dadka qaar ku dhex milmayaan wa lagaga fiicanyahay, waxana waajib kugu ah inaad ka gil gilato waxa guulaha mujtamaca tooraynaya ee waliba  jecel inay dhexda ka jabiyaan. waxaad ogaata inaan waxba ku socon karin wax an wagsanayn oo cid kale laga dhaxlay inad la timad. ama sidan ayay wax ahaan jireen.
 waxa u baahan inaad ka digtoonato, waxaa kaa daba eman kara ee adiga dhib ku keni kara,.
Dadka qaar u adeegsanaya is daba marinta iyo xatooyada inay wax ku xaliyaan ama u adeegsadanba xalinta amuuro tagan oo iyaga u gaar ah , ha ogaaden inay wado qaldan socdaan , goorteedana la isaga eman doono.
wax walba waxay ku fiicanyihin in meeshii loogu talagalay iyo wixi loogu tala galay lagu qabto si ay wax walba ugu socon karan sida saxda ah, waxan dhaman wada jecelnahay inan guulaysano, sida guushu ku eman kartana wa in wax walba sidi ugu haboonayd loo qabto.
                  Ceeb ma aha in cid ku tagan wado an sax ahayn ka joojiso  hadiiba xata uu u dareemo inaad liddi ku tahay, waxase ku fiican inaad joojin karto wax walba oo aan meesheedi socon.