Thursday, July 24, 2014

Udiyaar Galowga Ciida Iyo Borama:

           

Bishii ramadaan ayaa gabo gabo ah ,Malmahana waxa la naawilaya ciida barakaysan ee ramadaan, waxana meelaha qaar laga dareemaya siiba suuqyada magalada boorama buuq iyo dhaq dhaqaaq dhinaca ganacsiga oo ka socda, dadka aya si aad ah ugu diyaar garoobaya malintani qiimaha badan ee ciida fidriga, suuqa waxa habeen iyo malin tugan dadka iibsanya dharka lagu ciidayo malintasi, sidoo kale dumarka iyo caruurta aya iyaguna si gar ah ugu mashquulsan wixi lagu ciidi laha maalintiisa, bacadlaha magalada aya buux dhaafay, meelaha kale ee dharka iyo qalaan qiisha caruurta lagu iibinayo aya iyagana mashquul badani ka jira, wadooyinka qar aya si gaar ah loogu xiray ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa dadka ee udiyaar galowga malintaasi , dad badan aya sanadkan magalada jooga, waxana wadooyinka qaar kaaga muuqanaya saxmada gawadhida iyo dadkaba.

 dhanka kale ammaanka magalada aya xoog loo adkeeyey waxana gaaf wareegaya hareeraha iyo gudaha magaladaba ciidanka police ee magalada borama iyaga oo raxan raxan su socda.

magalada borama aya jawi ahaan ka duwan sidii ay ahaan jirtay, waxana marka laga soo tago buuqa badan iyo dadkan u soo dalxiiska iyo fasaxaba tagay ee buux dhaafiyey magalada ka jirta , roob la'aan iyo abaar saamaysay deegaanada ku teedsan magaalada , wa markii u horaysay ee mudo intaas leeg uu roobku habsaamo, quruxdii magalada iyo dhirtii qoyaanka lahayd ee xiliyadani muuqan jirtay ayaanay ishaadu qabanaynin.

            si kastaba ha ahaatee dadka indho in dheeya ganacsiga aya sheegaya inaysan sidii la rabin magalada ganacsigeegu u socon waxana laguu sheegaya markaad dhex marto meelaha dharka lagu iibiyo inay sanadkan ka hoosayso sanadihii hore ee la keeni jiray dharka, waxana sababtas loo aneeyey ganacsatada qaarkood ee magalada ee dharka ka ganacsata oo meel kaliya u wada doonta safarka iyo sida lasheegayo safarada oo yaraday,

 isku soo wada duuboo wixi lasugayi waa malintaa qimiga badan ee ay dadku wada sugayaan e cidal fidriga sanadkan.



Sunday, July 20, 2014

BORAMA IYO QURBA JOOG BUUX DHAAFIYEY


      
Tan iyo bur burkii somalia ee dawladii milatariga ahayd 1990 , waxa dalka ku dhacay kala qax,bur bur,dagaal ahliya, siyasado iyo kooxo iska soo horjeeda, iyo waliba kala yaac dadka qaar ku kalifay inay qaxooti ku noqdaan qurbaha iyo dalalka jaarka labadaba, gobolada waqooyi waxay ku dhawaqeen madax banaani wixii ka danbeyey wakhtigaas bur burka , somaliland oo markii hore xoriyad ka heshay gumaystihii ingriiska aya la midawday gobolodii koonfurta ee somalia, gobolada jamhuuriyada somaliland qaarkood waxa ka bilaabmay tahriib iyo waliba dadkale oo iyaguna u dhoofay qurbaha, gobolka Awdal waxa lagu tiriya gobolada ugu aqoonta badan dalka iyo guud ahaan somalia ,sidoo kale gobolka waxa u dhoofay dad badan oo qaarkood qurbaha aqoon ku helay, qaar kalena shaqo iyo waliba kuwa kale oo baada muudo ku ah qurbaha, waxa laba dii bilood ee u danbaysay soo gaadhay maagalada boorama ee caasimada gobolka awdal ,dad badan oo qurba joog ah , haba u bataan dhalinyaro aad u tiro badan oo in  badan mooganaa wadanka, sidoo kale waxa dadkani imaatinkoodu kusoo beegmay xili xagaa ah oo ay dadka xeebuhu siiba jabouti isugu yimaadaan magaalada, dhaqaqaaq dadka ,kan ganacsiga iyo waliba kan gaadiidka ayaa aad loo dareemaya, hadaba qaar kamid ah dhalinyartas oo ay qaarkood aqoonyahano yihiin isla markaana aan wada qaxweynay aya ii sheegay inay wadanka u yimadeen inay indha indheeyaan xaalada gobolka , dalka, gaar ahaana ta dhalinyarada gobolkani kunool,  waxay iigu nuux nuux sadeen inaysan rabin inay dhalin yartu marka ay arkaan iyaga aysan tahriibin lakin ay dhalinyarada ka rabaan inay doorkooda ka ciyaaraan gobolka, dadka qurbuhuna tageero ka gaystaan sidii dhalinyarada mashariic horumarineed loogu abuuri laha, dadka qurbaha ka yimid ma aha dhalinyar kali ah, waxa jira dhawr qof oo aan ku tilmaamo inay yihiin dad bulshada ku xiran marka ay debedaha joogaan. isla markaana jecel inay qayb ka noqdaan horumarka gobolka ka socda, wa markii u horeysay ee aan abid arko qurbo joog u badan reer yurub oo gobolkan kasoo jeeda una badan dhalinyaro ay isugu yimaadaan gobolka , hadaba dadka arimaha dhalinyarada odorosa aya sheegay inay maanta haystaan jaanis aysan haysan dhalinyarada dalku , mar hadii ay isugu yimadeen gobolka iyaga oo dalal kala duwan horey u  joogay, waxa  laga sugayaana ay tahay inay fadhi ka yeeshaan mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee dhalin yarada reer awdal, sidoo kale waxa la tibaaxaya inay fiicnaan lahayd in dallad midaysa dhalinyarada reer awdal ee qurba jooga iyo kuwan daljooga yeeshaani wax badan badali lahayd, isku soo wada duubo waxa laga ma maar maan ah inay dhalinyarada aqoonta leh ee gobolku ka shaqeeyaan sidii kulan labada dhinac ah loo abaabuli laha si loo xaqiijiyo xiriirka,horumarka dhalinyarada iyo is barashada labada dhinac, dhalinyaraduna u heli layd meel ay kuwada sheekaystan kuna wadagaan aragtiyo kala duwan oo laba dhinac ah,

faldan fikirkaga halkan ku reeb.