Sunday, July 20, 2014

BORAMA IYO QURBA JOOG BUUX DHAAFIYEY


      
Tan iyo bur burkii somalia ee dawladii milatariga ahayd 1990 , waxa dalka ku dhacay kala qax,bur bur,dagaal ahliya, siyasado iyo kooxo iska soo horjeeda, iyo waliba kala yaac dadka qaar ku kalifay inay qaxooti ku noqdaan qurbaha iyo dalalka jaarka labadaba, gobolada waqooyi waxay ku dhawaqeen madax banaani wixii ka danbeyey wakhtigaas bur burka , somaliland oo markii hore xoriyad ka heshay gumaystihii ingriiska aya la midawday gobolodii koonfurta ee somalia, gobolada jamhuuriyada somaliland qaarkood waxa ka bilaabmay tahriib iyo waliba dadkale oo iyaguna u dhoofay qurbaha, gobolka Awdal waxa lagu tiriya gobolada ugu aqoonta badan dalka iyo guud ahaan somalia ,sidoo kale gobolka waxa u dhoofay dad badan oo qaarkood qurbaha aqoon ku helay, qaar kalena shaqo iyo waliba kuwa kale oo baada muudo ku ah qurbaha, waxa laba dii bilood ee u danbaysay soo gaadhay maagalada boorama ee caasimada gobolka awdal ,dad badan oo qurba joog ah , haba u bataan dhalinyaro aad u tiro badan oo in  badan mooganaa wadanka, sidoo kale waxa dadkani imaatinkoodu kusoo beegmay xili xagaa ah oo ay dadka xeebuhu siiba jabouti isugu yimaadaan magaalada, dhaqaqaaq dadka ,kan ganacsiga iyo waliba kan gaadiidka ayaa aad loo dareemaya, hadaba qaar kamid ah dhalinyartas oo ay qaarkood aqoonyahano yihiin isla markaana aan wada qaxweynay aya ii sheegay inay wadanka u yimadeen inay indha indheeyaan xaalada gobolka , dalka, gaar ahaana ta dhalinyarada gobolkani kunool,  waxay iigu nuux nuux sadeen inaysan rabin inay dhalin yartu marka ay arkaan iyaga aysan tahriibin lakin ay dhalinyarada ka rabaan inay doorkooda ka ciyaaraan gobolka, dadka qurbuhuna tageero ka gaystaan sidii dhalinyarada mashariic horumarineed loogu abuuri laha, dadka qurbaha ka yimid ma aha dhalinyar kali ah, waxa jira dhawr qof oo aan ku tilmaamo inay yihiin dad bulshada ku xiran marka ay debedaha joogaan. isla markaana jecel inay qayb ka noqdaan horumarka gobolka ka socda, wa markii u horeysay ee aan abid arko qurbo joog u badan reer yurub oo gobolkan kasoo jeeda una badan dhalinyaro ay isugu yimaadaan gobolka , hadaba dadka arimaha dhalinyarada odorosa aya sheegay inay maanta haystaan jaanis aysan haysan dhalinyarada dalku , mar hadii ay isugu yimadeen gobolka iyaga oo dalal kala duwan horey u  joogay, waxa  laga sugayaana ay tahay inay fadhi ka yeeshaan mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee dhalin yarada reer awdal, sidoo kale waxa la tibaaxaya inay fiicnaan lahayd in dallad midaysa dhalinyarada reer awdal ee qurba jooga iyo kuwan daljooga yeeshaani wax badan badali lahayd, isku soo wada duubo waxa laga ma maar maan ah inay dhalinyarada aqoonta leh ee gobolku ka shaqeeyaan sidii kulan labada dhinac ah loo abaabuli laha si loo xaqiijiyo xiriirka,horumarka dhalinyarada iyo is barashada labada dhinac, dhalinyaraduna u heli layd meel ay kuwada sheekaystan kuna wadagaan aragtiyo kala duwan oo laba dhinac ah,

faldan fikirkaga halkan ku reeb.

1 comment:

  1. Qoraa, Mohamed Aad ayaan u soo dhawaynayaa Fikirkaaga Togan, Waana mid mudan in la ogaadaa baahida isku xidhka dhalinyarada gude iyo dibadba. Waxaa aad ii soo jiidatay fariinta culus ee qoraalkaga ka dhex muuqata waxanan isku daji inaan la wadaago asxaabta gudaha joogta iyo kuwa xagan ila joogaba sidii loo abuuri lahaa jawi xidhiidhiya dhalinyarada ku filiqsan daafaha caalamka mar labaad waad mahadsantay qalinkana ha dhigin.

    ReplyDelete