Thursday, September 4, 2014

LIBYA KADIB.


     Sida laga wada warqabo waxa mudooyinkii u danbeyey kor usii kacayay dhalin yarada qiimaha badan ee u tahriibaysa wadamada yurub qaarkood,qaar badan oo dhalinyartaasi ka mid ah waxay ka bexen jaamacado halka qaarkoodna ay dhamaysteen waxbarashada dugsi sare,

Wiilka/gabadhu marka ay isku daydo inay tahriibto ama uu tahriibo wuxu ku baxaa si aan muuqasho lahayn , waalidku wuxu mar kali ah ku baraarugaa wiilkii ama gabadhii oo galay meel kamid ah wadamada jaarka ah , khaasatan wadanka Ethiopia, waxa sida la cadeeyey jira shabakado isku xiran oo isla markaaba qaabila tahriibaha kuna xisaabtama oo ka daya inay dhaqaale ka helaan qofkani tahriibaya,wuxu muddo kujira xero loogu tala galay si la isula suga oo kooxaha kale ee tahriibaya la isku raaciyo, habeen maddow ayaa hadana laga qaada Ethiopia,waxana la saara gawaadhi qarsoodi ah oo u badan kuwa u kala goosha wadamada Ethiopia iyo Sudan, qofka oo aan marka horeba kusoo bixin lacag iyo dhaqaale ku filan oo safarkaas uu ku wadan karo aya waxa isla markaba la weydiiya lacag madax furasho ah oo ku dhaw $ 2000-3000, wuxu markas gacanta ugu jiraa shabakado markay intaas ka helaan u gudbin doona kuwa kale oo iyaguna madax furasho intaas lamid ah ka doonaya,waxa intaas dheer rafaadka iyo dhibta jidka maridiisa ka haysata,waxana dadka qaar la kulmaan cagajuglayn,handadaad,kufsi,dil,dhac,haraad,gaajo iyo waliba jidh dil baahsan, marka laga tago rafaadka iyo dhib ta diifta leh ee kasoo gaadha inta ay ku jraan safarka dhererka badan ee Libya lagu gaadho aya waxay sido kale la kulmaan dhaqaalo xumo, mid caafimaad darro, wal wal walidka kasoo gaadha warka ka eman kara wiilka ama gabadha ka tahriibay qoyska, cidii intaas an la kulmina ayba nasiib badantahay,

dadka tahriibayaa waxay u badanyihiin dhawr iyo toban jiro anan wayo arag ahayn ,socod dheer na aan wali galin,gaadhiga la saaraya wa ciriiri waxana culayskiisa la saarayo lagu qiyaasa mid ku labban laabma caadi ahaan wuxu qaadi karo ,.

Inta dhibtaasi jirto waalidku ma wal wal la’a oo wuu jaha wareersanyahay , si gaar ahna waxa u damqanaya hooyada wiilkedu safarkaas xanuunka badan uu doontay, waxa mararka qaar ka suurooba inay tolka u cabato uu sheegto marxalada uu wiilkeedu kujiro iyo baahida ay u qabto in la caawiyo, oday kamid ah kuwa magalada oo loo soo cawday dhawr jeer wuxu I sheegay in inta anu wiilku tahriibinba dhalinyaradu ugu sheekayso hooyo ma leedahay ama hooyada ma nooshahay, hadii ay jawabta dhalinyartu noqoto ha inay khasab tahay inay hanti ay ku maraan jidka la heli karo hooyadoodna ujoogto.

Wiilku wuxu gaadhaa Libya, waxa inta uusan xuduudkaba dhaafin dhexda ku qabta isla shabakadii wadanka Sudan lacagta uga soo qaaday, wilkii oo ooyaya ayaa ka soo hadlaya mobileka satellite-ka, waxa khasab ah inu la kulmo dhibtii aanu xaga kore kusoo sheegnay, waxa oohintiisa si toos ah loo maqashiiyaa walidkii dhalay, ma hakradaan waxayna u raadiyan waxkasta oo ay ilma hooda u heli karan si ay noloshiisa u bad baadiyan , waxa dadka qar halkaas ku hela wadka wayna ku dhintaan waxana sida dadka qaar ii xaqiijiyeen maydkiisa hadana laga doona lacagtii madax furashada ahayd , waxayna cid kasta oo la haysta ah ku qasbaan inuusan sheegin inuu wilkaas geeriyooday si ay reer koodu usoo shubaan lacagtaa, ma leh xawalad ama bank sharciyaysan si loogu shubo lacagta , waxay adeegsadan budhcadaasi magacyo aan kuwooda dhabta ah ahayn waxayna lacagta ku shubtaan meelo ama wadamo ka baxsan kan ay ku haystaan tahriibayaasha ee Libya .

Waxa mar kale loo diraa lacag u dhaxaysa $3000-5000 , waxa tahriibayaashaasi loo xaraasha hanti dhul ama mid guri wixi ay lahaayeen, waxa reerka oo khaati bilaahi taagani diraan lacagtaas hantida loogu xarashay isaga dartiis, intaas uun kuma egee wuxu gala wadanka Libya wuxuna radsada meel gabaad u noqon karta inta uu badda isku biimaynayo, wuxu aakhirka sii joogaa wadankaasi libya. 

Lasoco qeybaha danbe……………………………………………………

 NOTE:WAXAN U TACSIYAYNAYA DHAMAAN EHELKI IYO QARABADI AY DORAD DHALINYARTU UGA DHIMATAY BADDA IYAGA OO TAHRIBAYA .WANA ARINTA QORALKAN IGU KA LIFTAY.

No comments:

Post a Comment