LABA KALA LEEXDAY
Labo kala leexday , wa buug uu qoray ABDIRAHMAN ADAM MOHAMUD, xalay aya lagu daahfuray magalada borama, xafladan oo agaasinkeeda ay iska lahayeen dhalinyaro iyo waliba si gaar ah machadka horumarinta aadamaha, aya waxa ka qeyb galay, madaxa jaamacada camuud proff Sulaymaan Ahmed Guled, aqoon yahano , wax garad, culuma'udiin , dhalinyaro wiilal iyo gabdhabo leh,waxa ugu horayn falanqeyey u jeedada iyo dahfurka buugaba aqoon yahan ABDIRAHMAN oo qoraaga buuga ah , wuxu aad ugu dheeraday dadaalka iyo juhdiga buuga qoraalkiisa u galiyey isaga oo u mahad celiyey dad tiro badan oo qeyb ka aha intuu u qoraalka samynayay, buuga oo ka kooban in kabadan 200 o page aya waxa u ka sheekeynaya laba wiil oo dhalin yaro ah oo midi inta u dalka aminay waxna ku bartay , halka kan kale u ka cararayo dalka oo u galayo tahriib iyo dhib aad u daran, buuga aya waxa uu aad ugu nuux nuux sanaya sida labadasi dhalin yarada ahi kala maanka u yihiin , buugu waxa u ka hadlaya dhibatooyinka qabsada tahriibayasha iyo mustaqbalka halka ay ku danbeyeyan , waxanu cadaynaya wadinayad iyo in qofku u jeclaysto dhulkiisa waxna ku noqdo halka u ku noolyahay.
waxa ka hadlay sharmake geele oo wax kasoo akhriyey buuga laba kala leexday ee xalay la daahfuray, wuxuna ammaanta qoraaga buuga ka sokow dadkii tusay in uunku yahay labo labo , qoraguna taas un tix raacay , waxanu intaas raciyey in buuga abdirahman yahay mid la soo dabacay xiligii loo baahna , gabadh kale oo iyana so akhriday aya aad ugu dheratay buuga iyo nuxurkiisaba.
waxa hadalka qatay shakhsiyad aad loo sugayay , wa proff Sulayman Ahmed Guled , gudoomiyaha jamaca Camuud , wuxu tilmamay in abdirahmaan oo qoraaga buuga ahi kamid aha ardaydii jamacada xiligi ay dhiganayen ugu dadalka iyo akhlaqda badnaa , markii danbena ay jamacadu qaadatay isla markaana ay muddo wada shaqeyeen , waxa markiba u ku dhawaaqay inuu jacamada camuud u qaday 15 buug oo kamid ahayd buugtii sida aadka u saraysa lo sharaxay, qoraaga aya isna ugu deeqay jaamacada camuud ilaa 10 buug oo kale.
waxa madasha ruwayad matalaysay nuxurka ku qoran buuga oo wilkii tahriibay ee rafaadka maray ah iyo wilkii wadanka aminay ee waxbartay gaar ahaan cafimaadka, saxiibkiis oo camp kujirana u tagay iska dhigay laba wiil oo goobta joogay , si ay sawir buuga uga siiyaan dadkii madasha bandhiga buuga fadhiyey , waxa aad loo jeclaystay sida wixii buuga ku qornaa ay ugu badaleen ruwayad dadkiina u wada fahmeen.
Markale waxa hadalka lasiyey akhriyaha weyn ee Abdikarem oo reer jabouti ah , waxa u shegay in abdirahman u aha intii ardaynimada nin akhlaq badan dadkana hormud u aha, markii uu buugan u sheegayna hore u ka soo iibsaday, wuxu abdikarem raciyey intas inay reer borama jara'idka inta dhexe kala qatan halkii laga iibsan laha, wuxuna dadka u sheegay inay buuga iibsadan oo aysan saxiibadood u dhiibin, Abdikarem wuxu dar daaran ugu danbayntii siyey dadkii da'yarta ahaa ee halkas isugu yimid;
waxa hadalka qatay isna Xamari oo aha xoghayihii hore ee dawlada hoose ee degmada boorama, wuxu aad ugu dheeraday xamari tariikhdii Abdirahman Adam Mohamuud oo qoray buuga LABA KALA LEEXDAY. wuxu aad uga shekeyey shaqooyinkiisi iyo khibradihiisi , isaga oo ku amaanay abdirahman buuga intaas leeg ee uu wakhtiga badan galiyey, dadbadan oo u badnaa dhalinyarada tahriibaysa ee u hanqal taagaysa yurubna buugani wax badan ka tari doono.
Xamari wuxu shegay inay muddo soo wada shaqeeyeen , hadana uu shaqooyin kale oo masharic ah gacanta ku hayo.
ugu danbayntii waxa hadalka qaatay Mayor ka degamada Borama, Saleeban Haddi, wuxuna aad u ammaanay qoraaga ,wuxuna goobta kaga dhawaqay inuu qaaday 21 buug oo u xildhibaanada goloha siin doono, sidoo kale maktabada ama library ga la dhisi doono ayu 10 u iibshay, waxa sidoo kale buugta halka ka iisbday Jaamaca Eelo oo iyana 10 buug xalay qadatay.
dadkii aya iyana hadalkooda qatay oo wixi talo iyo su'aalbo ku biryey, waxana la gaadhay xiligii kala iibsiga buuga LABA KALA LEEXDAY ee u qoray , qoraa Abdirahman Adam,
isku soo wada duu duubo buuga aya noqonaya kii u horeyey ee af-somali ah ee uu Abdrihman qoro isaga oo hore u laha Articles ama qoralo goos goos ah, dadkii madasha soo camirey ayaa jeclastay agaasimka xaflada iyo bandhiga buuga , waxanay dadka qaar sheegeen inay ahayd madashii u horeysay ee buug lagu soo bandhigo ee markaliya iibsigiisa la kala wayo.
Mohamed Amiin Omer Ali
No comments:
Post a Comment