Friday, June 5, 2015

Inta Damiir-kagu ku siin karo

     

            Inta badan waxa an la nool nahay xalado is dhalan rogaya oo u bahan in mid ba meesheeda lagu abaaro, Is bad badalka xaaladuhu waxay la dhasheen oo ay ku lamaanyihiin wakthiga aad kolba joogto , waxase daba socda oo nolosha gundhig u ah hagar daamo iyo guulo is daba yala, waxana inta badan guulaha iyo rajooyinka qofka kor u qaada kolba hamiga iyo hanka uu noloshan ka leeyahay iyada oo aysan ka marnayn in dadaal dheeri ah uu bixiyo, guulaha dadka qaar aya u fasirta siyaalo kala duwan lakin waxay farxad galiyaan qofka hantay guushaas, loo malayn mayo in qofina guul u gaadhay ka xumado, lakiin mararka qaar waxay dantu kugu kalifta in guushaas ad ka biyo diido, marka cadadis kaa badan iyo wax adan xalinteeda awood u lahayni ka horyimaadan lakiin loo baahanyahay inaad dulqaad la timaad . sideedaba lama amaanin qof ay macno u samaysay hagardamada nolosha jaalka la ihi, dhibta aduunkan meelkasta way taala lakin waxa loo mara xalinteeda wadiiqooyin kala gadisan oo tan ugu sax sani tahay inaad xal u hesho dhibtaas , dad badan waxay u hasytaan in cid hadii  la hagardaameyo ay iyagu guul ku jiraan iyaga oo aan ogayn in doonta ay saaranyihin tahay tan ay jalaafada u dhigayaan, waxay dadnimadu ku jirta damiirkuna ku faraya in aad ka joogto waxkasto oo xumaato iyo dhib ku keeni kara adi ama ku keeni kara cid kale oo walal kaa ah. waxase aan meesha ka marnayn inaad diidi karto waxa sharaftaada iyo dadnimadada wax yeelayn kara,, cida ku taamaysa inaad qayb ka noqoto hagardamo cid kalena aad tusi karto waji kaa kaduwan, waxa damiirkeenu ina siinaya inaan cidkasta wanageda ka shaqayno, xumaantana ka fogaano, dadkana isku xirkisa ka shaqayno, danteenu ka tagid maleh oo iyada aya marwalba kaw ah lakin aynaan indhaha ka qabsan daryeelka, taakulaynta iyo la dhaqanka bulshada aan ku dhex nool nahay, wax kasta oo guul keeni kara oo dhibta aduunkan daboli karta oo ay cid kale qabato farxadeeda ayay leedahay, waase hadii lagu garab galo hirgalinta wanaga cidaas wado ,waxa dhib kugu filan inaad raali ka noqoto wax aysan marna naftaadu jeclaateen oo aad cid kale u quudho, damiirka wanagsani wuxu na faraya marna inaynaan rali ka noqon waxyabaha bulshadu ay dhibsanayso iyo cida ku fooganba , adi waxa ku saaran inaad qayb ka noqoto sidi aad u tir tiri lahayd waxa hagardaamoyinka gun dhiga u ah ee ay beertay cid kale oo aanad wadiiqadeeda sii qaadin, inaad ku sifowdo waxa dadka qaar ku dhex milmayaan wa lagaga fiicanyahay, waxana waajib kugu ah inaad ka gil gilato waxa guulaha mujtamaca tooraynaya ee waliba  jecel inay dhexda ka jabiyaan. waxaad ogaata inaan waxba ku socon karin wax an wagsanayn oo cid kale laga dhaxlay inad la timad. ama sidan ayay wax ahaan jireen.
 waxa u baahan inaad ka digtoonato, waxaa kaa daba eman kara ee adiga dhib ku keni kara,.
Dadka qaar u adeegsanaya is daba marinta iyo xatooyada inay wax ku xaliyaan ama u adeegsadanba xalinta amuuro tagan oo iyaga u gaar ah , ha ogaaden inay wado qaldan socdaan , goorteedana la isaga eman doono.
wax walba waxay ku fiicanyihin in meeshii loogu talagalay iyo wixi loogu tala galay lagu qabto si ay wax walba ugu socon karan sida saxda ah, waxan dhaman wada jecelnahay inan guulaysano, sida guushu ku eman kartana wa in wax walba sidi ugu haboonayd loo qabto.
                  Ceeb ma aha in cid ku tagan wado an sax ahayn ka joojiso  hadiiba xata uu u dareemo inaad liddi ku tahay, waxase ku fiican inaad joojin karto wax walba oo aan meesheedi socon.

Thursday, September 4, 2014

LIBYA KADIB.


     Sida laga wada warqabo waxa mudooyinkii u danbeyey kor usii kacayay dhalin yarada qiimaha badan ee u tahriibaysa wadamada yurub qaarkood,qaar badan oo dhalinyartaasi ka mid ah waxay ka bexen jaamacado halka qaarkoodna ay dhamaysteen waxbarashada dugsi sare,

Wiilka/gabadhu marka ay isku daydo inay tahriibto ama uu tahriibo wuxu ku baxaa si aan muuqasho lahayn , waalidku wuxu mar kali ah ku baraarugaa wiilkii ama gabadhii oo galay meel kamid ah wadamada jaarka ah , khaasatan wadanka Ethiopia, waxa sida la cadeeyey jira shabakado isku xiran oo isla markaaba qaabila tahriibaha kuna xisaabtama oo ka daya inay dhaqaale ka helaan qofkani tahriibaya,wuxu muddo kujira xero loogu tala galay si la isula suga oo kooxaha kale ee tahriibaya la isku raaciyo, habeen maddow ayaa hadana laga qaada Ethiopia,waxana la saara gawaadhi qarsoodi ah oo u badan kuwa u kala goosha wadamada Ethiopia iyo Sudan, qofka oo aan marka horeba kusoo bixin lacag iyo dhaqaale ku filan oo safarkaas uu ku wadan karo aya waxa isla markaba la weydiiya lacag madax furasho ah oo ku dhaw $ 2000-3000, wuxu markas gacanta ugu jiraa shabakado markay intaas ka helaan u gudbin doona kuwa kale oo iyaguna madax furasho intaas lamid ah ka doonaya,waxa intaas dheer rafaadka iyo dhibta jidka maridiisa ka haysata,waxana dadka qaar la kulmaan cagajuglayn,handadaad,kufsi,dil,dhac,haraad,gaajo iyo waliba jidh dil baahsan, marka laga tago rafaadka iyo dhib ta diifta leh ee kasoo gaadha inta ay ku jraan safarka dhererka badan ee Libya lagu gaadho aya waxay sido kale la kulmaan dhaqaalo xumo, mid caafimaad darro, wal wal walidka kasoo gaadha warka ka eman kara wiilka ama gabadha ka tahriibay qoyska, cidii intaas an la kulmina ayba nasiib badantahay,

dadka tahriibayaa waxay u badanyihiin dhawr iyo toban jiro anan wayo arag ahayn ,socod dheer na aan wali galin,gaadhiga la saaraya wa ciriiri waxana culayskiisa la saarayo lagu qiyaasa mid ku labban laabma caadi ahaan wuxu qaadi karo ,.

Inta dhibtaasi jirto waalidku ma wal wal la’a oo wuu jaha wareersanyahay , si gaar ahna waxa u damqanaya hooyada wiilkedu safarkaas xanuunka badan uu doontay, waxa mararka qaar ka suurooba inay tolka u cabato uu sheegto marxalada uu wiilkeedu kujiro iyo baahida ay u qabto in la caawiyo, oday kamid ah kuwa magalada oo loo soo cawday dhawr jeer wuxu I sheegay in inta anu wiilku tahriibinba dhalinyaradu ugu sheekayso hooyo ma leedahay ama hooyada ma nooshahay, hadii ay jawabta dhalinyartu noqoto ha inay khasab tahay inay hanti ay ku maraan jidka la heli karo hooyadoodna ujoogto.

Wiilku wuxu gaadhaa Libya, waxa inta uusan xuduudkaba dhaafin dhexda ku qabta isla shabakadii wadanka Sudan lacagta uga soo qaaday, wilkii oo ooyaya ayaa ka soo hadlaya mobileka satellite-ka, waxa khasab ah inu la kulmo dhibtii aanu xaga kore kusoo sheegnay, waxa oohintiisa si toos ah loo maqashiiyaa walidkii dhalay, ma hakradaan waxayna u raadiyan waxkasta oo ay ilma hooda u heli karan si ay noloshiisa u bad baadiyan , waxa dadka qar halkaas ku hela wadka wayna ku dhintaan waxana sida dadka qaar ii xaqiijiyeen maydkiisa hadana laga doona lacagtii madax furashada ahayd , waxayna cid kasta oo la haysta ah ku qasbaan inuusan sheegin inuu wilkaas geeriyooday si ay reer koodu usoo shubaan lacagtaa, ma leh xawalad ama bank sharciyaysan si loogu shubo lacagta , waxay adeegsadan budhcadaasi magacyo aan kuwooda dhabta ah ahayn waxayna lacagta ku shubtaan meelo ama wadamo ka baxsan kan ay ku haystaan tahriibayaasha ee Libya .

Waxa mar kale loo diraa lacag u dhaxaysa $3000-5000 , waxa tahriibayaashaasi loo xaraasha hanti dhul ama mid guri wixi ay lahaayeen, waxa reerka oo khaati bilaahi taagani diraan lacagtaas hantida loogu xarashay isaga dartiis, intaas uun kuma egee wuxu gala wadanka Libya wuxuna radsada meel gabaad u noqon karta inta uu badda isku biimaynayo, wuxu aakhirka sii joogaa wadankaasi libya. 

Lasoco qeybaha danbe……………………………………………………

 NOTE:WAXAN U TACSIYAYNAYA DHAMAAN EHELKI IYO QARABADI AY DORAD DHALINYARTU UGA DHIMATAY BADDA IYAGA OO TAHRIBAYA .WANA ARINTA QORALKAN IGU KA LIFTAY.

Saturday, August 2, 2014

LABA KALA LEEXDAY

          

                         Labo kala leexday , wa buug uu qoray ABDIRAHMAN ADAM MOHAMUD, xalay aya lagu  daahfuray magalada borama, xafladan oo agaasinkeeda ay iska lahayeen dhalinyaro iyo waliba si gaar ah machadka horumarinta aadamaha, aya waxa ka qeyb galay, madaxa jaamacada camuud proff Sulaymaan Ahmed Guled, aqoon yahano , wax garad, culuma'udiin , dhalinyaro wiilal iyo gabdhabo leh,waxa ugu horayn falanqeyey u jeedada iyo dahfurka buugaba aqoon yahan ABDIRAHMAN oo qoraaga buuga ah , wuxu aad ugu dheeraday dadaalka iyo juhdiga buuga qoraalkiisa u galiyey isaga oo u mahad celiyey dad tiro badan oo qeyb ka aha intuu u qoraalka samynayay, buuga oo ka kooban in kabadan 200 o page aya waxa u ka sheekeynaya laba wiil oo dhalin yaro ah oo midi inta u dalka aminay waxna ku bartay , halka kan kale u ka cararayo dalka oo u galayo tahriib iyo dhib aad u daran, buuga aya waxa uu aad ugu nuux nuux sanaya sida labadasi dhalin yarada ahi kala maanka u yihiin , buugu waxa u ka hadlaya dhibatooyinka qabsada tahriibayasha iyo mustaqbalka halka ay ku danbeyeyan , waxanu cadaynaya wadinayad iyo in qofku u jeclaysto dhulkiisa waxna ku noqdo halka u ku noolyahay.

 waxa ka hadlay sharmake geele oo wax kasoo akhriyey buuga laba kala leexday ee xalay la daahfuray, wuxuna ammaanta qoraaga buuga ka sokow dadkii tusay in uunku yahay labo labo , qoraguna taas un tix raacay , waxanu intaas raciyey in buuga abdirahman yahay mid la soo dabacay xiligii loo baahna , gabadh kale oo iyana so akhriday aya aad ugu dheratay buuga iyo nuxurkiisaba.

 waxa hadalka qatay shakhsiyad aad loo sugayay , wa proff Sulayman Ahmed Guled , gudoomiyaha jamaca Camuud , wuxu tilmamay in abdirahmaan oo qoraaga buuga ahi kamid aha ardaydii jamacada xiligi ay dhiganayen ugu dadalka iyo akhlaqda badnaa , markii danbena ay jamacadu qaadatay isla markaana ay muddo wada shaqeyeen , waxa markiba u ku dhawaaqay inuu jacamada camuud u qaday 15 buug  oo kamid ahayd buugtii sida aadka u saraysa lo sharaxay, qoraaga aya isna ugu deeqay jaamacada camuud ilaa 10 buug oo kale.

waxa madasha ruwayad matalaysay nuxurka ku qoran buuga oo wilkii tahriibay ee rafaadka maray ah iyo wilkii wadanka aminay ee waxbartay gaar ahaan cafimaadka, saxiibkiis oo camp kujirana u tagay iska dhigay laba wiil oo goobta joogay , si ay sawir buuga uga siiyaan dadkii madasha bandhiga buuga fadhiyey , waxa aad loo jeclaystay sida wixii buuga ku qornaa ay ugu badaleen ruwayad dadkiina u wada fahmeen.

Markale waxa hadalka lasiyey akhriyaha weyn ee Abdikarem oo reer jabouti ah , waxa u shegay in abdirahman u aha intii ardaynimada nin akhlaq badan dadkana hormud u aha, markii uu buugan u sheegayna hore u ka soo iibsaday, wuxu abdikarem raciyey intas inay reer borama jara'idka inta dhexe kala qatan halkii laga iibsan laha, wuxuna dadka u sheegay inay buuga iibsadan oo aysan saxiibadood u dhiibin, Abdikarem wuxu dar daaran ugu danbayntii siyey dadkii da'yarta ahaa ee halkas isugu yimid;

 waxa hadalka qatay isna Xamari oo aha xoghayihii hore ee dawlada hoose ee degmada boorama, wuxu aad ugu dheeraday xamari tariikhdii Abdirahman Adam Mohamuud oo qoray buuga LABA KALA LEEXDAY. wuxu aad uga shekeyey shaqooyinkiisi iyo khibradihiisi , isaga oo ku amaanay abdirahman buuga intaas leeg ee uu wakhtiga badan galiyey, dadbadan oo u badnaa dhalinyarada tahriibaysa ee u hanqal taagaysa yurubna buugani wax badan ka tari doono.

 Xamari wuxu shegay inay muddo soo wada shaqeeyeen , hadana uu shaqooyin kale oo masharic ah  gacanta ku hayo.

 ugu danbayntii waxa hadalka qaatay Mayor ka degamada Borama, Saleeban Haddi, wuxuna aad u ammaanay qoraaga ,wuxuna goobta kaga dhawaqay inuu qaaday 21 buug oo u xildhibaanada goloha siin doono, sidoo kale maktabada ama library ga la dhisi doono ayu 10 u iibshay, waxa sidoo kale buugta halka ka iisbday Jaamaca Eelo oo iyana 10 buug xalay qadatay.

 dadkii aya iyana hadalkooda qatay oo wixi talo iyo su'aalbo ku biryey, waxana la gaadhay xiligii kala iibsiga buuga LABA KALA LEEXDAY ee u qoray , qoraa Abdirahman Adam,

 isku soo wada duu duubo buuga aya noqonaya kii u horeyey ee af-somali ah ee uu Abdrihman qoro isaga oo hore u laha Articles ama qoralo goos goos ah, dadkii madasha soo camirey ayaa jeclastay agaasimka xaflada iyo bandhiga buuga , waxanay dadka qaar sheegeen inay ahayd madashii u horeysay ee buug lagu soo bandhigo ee markaliya iibsigiisa la kala wayo.

 

    Mohamed Amiin Omer Ali



Thursday, July 24, 2014

Udiyaar Galowga Ciida Iyo Borama:

           

Bishii ramadaan ayaa gabo gabo ah ,Malmahana waxa la naawilaya ciida barakaysan ee ramadaan, waxana meelaha qaar laga dareemaya siiba suuqyada magalada boorama buuq iyo dhaq dhaqaaq dhinaca ganacsiga oo ka socda, dadka aya si aad ah ugu diyaar garoobaya malintani qiimaha badan ee ciida fidriga, suuqa waxa habeen iyo malin tugan dadka iibsanya dharka lagu ciidayo malintasi, sidoo kale dumarka iyo caruurta aya iyaguna si gar ah ugu mashquulsan wixi lagu ciidi laha maalintiisa, bacadlaha magalada aya buux dhaafay, meelaha kale ee dharka iyo qalaan qiisha caruurta lagu iibinayo aya iyagana mashquul badani ka jira, wadooyinka qar aya si gaar ah loogu xiray ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa dadka ee udiyaar galowga malintaasi , dad badan aya sanadkan magalada jooga, waxana wadooyinka qaar kaaga muuqanaya saxmada gawadhida iyo dadkaba.

 dhanka kale ammaanka magalada aya xoog loo adkeeyey waxana gaaf wareegaya hareeraha iyo gudaha magaladaba ciidanka police ee magalada borama iyaga oo raxan raxan su socda.

magalada borama aya jawi ahaan ka duwan sidii ay ahaan jirtay, waxana marka laga soo tago buuqa badan iyo dadkan u soo dalxiiska iyo fasaxaba tagay ee buux dhaafiyey magalada ka jirta , roob la'aan iyo abaar saamaysay deegaanada ku teedsan magaalada , wa markii u horaysay ee mudo intaas leeg uu roobku habsaamo, quruxdii magalada iyo dhirtii qoyaanka lahayd ee xiliyadani muuqan jirtay ayaanay ishaadu qabanaynin.

            si kastaba ha ahaatee dadka indho in dheeya ganacsiga aya sheegaya inaysan sidii la rabin magalada ganacsigeegu u socon waxana laguu sheegaya markaad dhex marto meelaha dharka lagu iibiyo inay sanadkan ka hoosayso sanadihii hore ee la keeni jiray dharka, waxana sababtas loo aneeyey ganacsatada qaarkood ee magalada ee dharka ka ganacsata oo meel kaliya u wada doonta safarka iyo sida lasheegayo safarada oo yaraday,

 isku soo wada duuboo wixi lasugayi waa malintaa qimiga badan ee ay dadku wada sugayaan e cidal fidriga sanadkan.



Sunday, July 20, 2014

BORAMA IYO QURBA JOOG BUUX DHAAFIYEY


      
Tan iyo bur burkii somalia ee dawladii milatariga ahayd 1990 , waxa dalka ku dhacay kala qax,bur bur,dagaal ahliya, siyasado iyo kooxo iska soo horjeeda, iyo waliba kala yaac dadka qaar ku kalifay inay qaxooti ku noqdaan qurbaha iyo dalalka jaarka labadaba, gobolada waqooyi waxay ku dhawaqeen madax banaani wixii ka danbeyey wakhtigaas bur burka , somaliland oo markii hore xoriyad ka heshay gumaystihii ingriiska aya la midawday gobolodii koonfurta ee somalia, gobolada jamhuuriyada somaliland qaarkood waxa ka bilaabmay tahriib iyo waliba dadkale oo iyaguna u dhoofay qurbaha, gobolka Awdal waxa lagu tiriya gobolada ugu aqoonta badan dalka iyo guud ahaan somalia ,sidoo kale gobolka waxa u dhoofay dad badan oo qaarkood qurbaha aqoon ku helay, qaar kalena shaqo iyo waliba kuwa kale oo baada muudo ku ah qurbaha, waxa laba dii bilood ee u danbaysay soo gaadhay maagalada boorama ee caasimada gobolka awdal ,dad badan oo qurba joog ah , haba u bataan dhalinyaro aad u tiro badan oo in  badan mooganaa wadanka, sidoo kale waxa dadkani imaatinkoodu kusoo beegmay xili xagaa ah oo ay dadka xeebuhu siiba jabouti isugu yimaadaan magaalada, dhaqaqaaq dadka ,kan ganacsiga iyo waliba kan gaadiidka ayaa aad loo dareemaya, hadaba qaar kamid ah dhalinyartas oo ay qaarkood aqoonyahano yihiin isla markaana aan wada qaxweynay aya ii sheegay inay wadanka u yimadeen inay indha indheeyaan xaalada gobolka , dalka, gaar ahaana ta dhalinyarada gobolkani kunool,  waxay iigu nuux nuux sadeen inaysan rabin inay dhalin yartu marka ay arkaan iyaga aysan tahriibin lakin ay dhalinyarada ka rabaan inay doorkooda ka ciyaaraan gobolka, dadka qurbuhuna tageero ka gaystaan sidii dhalinyarada mashariic horumarineed loogu abuuri laha, dadka qurbaha ka yimid ma aha dhalinyar kali ah, waxa jira dhawr qof oo aan ku tilmaamo inay yihiin dad bulshada ku xiran marka ay debedaha joogaan. isla markaana jecel inay qayb ka noqdaan horumarka gobolka ka socda, wa markii u horeysay ee aan abid arko qurbo joog u badan reer yurub oo gobolkan kasoo jeeda una badan dhalinyaro ay isugu yimaadaan gobolka , hadaba dadka arimaha dhalinyarada odorosa aya sheegay inay maanta haystaan jaanis aysan haysan dhalinyarada dalku , mar hadii ay isugu yimadeen gobolka iyaga oo dalal kala duwan horey u  joogay, waxa  laga sugayaana ay tahay inay fadhi ka yeeshaan mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee dhalin yarada reer awdal, sidoo kale waxa la tibaaxaya inay fiicnaan lahayd in dallad midaysa dhalinyarada reer awdal ee qurba jooga iyo kuwan daljooga yeeshaani wax badan badali lahayd, isku soo wada duubo waxa laga ma maar maan ah inay dhalinyarada aqoonta leh ee gobolku ka shaqeeyaan sidii kulan labada dhinac ah loo abaabuli laha si loo xaqiijiyo xiriirka,horumarka dhalinyarada iyo is barashada labada dhinac, dhalinyaraduna u heli layd meel ay kuwada sheekaystan kuna wadagaan aragtiyo kala duwan oo laba dhinac ah,

faldan fikirkaga halkan ku reeb.

Friday, August 16, 2013

HAMBALYO DHALASHO OO FARXAD LEH

Dhamaan shaqaale weynaha shirkada isgaadhsiinta ee telesom , gaar ahaan site ka borama oo ay u horeeyaan madaxda telesom borama
 C/qaadir aadan nuur
 C/raxmaan maxamuud jaamac
  Sh Deeq abdi hassan
  Eng mohamed omer ibraahin
  iyo shaqalaha saleska oo ay u horeyaan
 Mustafe mohamed daahir
 Faarax cabdi ibraahin
 Mohamed omer ali (sandheere)
 Geedi osman nuur
 Mukhtaar xuseen xasan
 Axmed yuusuf nuur (koosaar)
 Mohamed ibraahin gudi
 Sahra c/raxmaan cige
 Guleed c/laahi diiriye
 Mohamed hamsa aadan
 iyo shaqalaha kale ee farsamada oo ay u horeeyaan
 Mukhtaar aw cabdi siciid
 Eng abdirashiid jibriil yoonis
 Cumar nuur rayaale
 Mukhtaar cabdi cakaal
 Mustafe xuseen codyare
 Maxamed faarax ismaaciil
 Ismaaciil c/laahi wadaad
 iyo ugu danbaytii shaqaalaha security-ga oo ay u horeeyan
 Cilmi caateeye muumin
 Jaamac axmed wacays
 Cismaan cumar jimcaale
 Carab iimaan ducaale
 Xuseen cali maygaag
iyo waliba shaqaalaha kale ee aan halkan lagu xusin waxanu hamblayo kal iyo laab ah oo dhalasho u diraynaa MAHDI AADAN RIIRASH(GUREY) oo kamid ah shaqalaha borama  oo ay maanta oo tariikhdu tahay 17/08/2013 gabadh magaceedu loobixyey AAYAAT MAHDI AADAN ugu dhalatay hosptal ka weyn ee borama , waxanu dhamantayo leenahay soo bar baar adeer oo noqo tii dalkeeda , danteeda, dadkeeda iyo diinteedaba anfacda  AMEEEEEEEEEEEEEM, AMEEEEEEEEEEEEEEEN, AMEEEEEEEEEEEN,


Saturday, August 3, 2013

Borama oo roobaysan, Ciidana naawilaysaa kadib ramadan oo dhamad ku dhow

magalada borama waxa cawa is qariyey roob aad u maasheeyey dhulka , biyo badana wadhay , borama ka sokow waxa uu roobku naq dhigay sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay tibaxayan , dhamaan tuulooyinka iyo degmooyinka ku dhaw dhaw borama, nimcada eebe ka sokow oo mudooyinkii u danbeysaba jirtay , waxa borama hadheeyey buuqa , sawaxanka , isjiidadka iyo waliba buuxinta magalada badhtankeeda oo aad ka dareemayso inay soo food saartay bulshada ayamihii ciida fidriga.dhanka kale waxa magalada laga dareemaya dhaqaalah xooga badanle ee magalada soo galaya ayaamahan ciida, dadku waxay tuganyihiin meelaha xawaladaha ah oo qof walba rajayna in uu ka helo lacag uga timaad ehelkii ama qaraabadii intoodii dhooftay, sidoo kale dhaq dhaqaaga magalada ee dhanka ganacsiga ayaa isna isa soo tarya , oo waxa buux dhaafay meelaha meheradaha ah khaasatan , meelaha raashinka iyo dharka laga gato , sidoo kale bacadlaha magalada ayaa camiran oo waxanad ka helayn meel aad ka marto dumar iyo caruur aad suuqa uga adeeganaya, sidoo kale waxa dawyada wadhan oo aad meelkasta indhahaga la raacaysa meelo dhar ama kabo lagu iibinayo , waxay dadku soo qaateen bil uga dhignayd laba cisho raaxadeeda iyo fadligeeda iyo waliba jawiga deganantiisa oo ay wada jeclaysteen dadku inay bishii ramadan ahayd bil aan wali soo marin , waxa kale oo isoo jiitay magalada borama ee laga sameeyey jimciyaad fara badan oo dhanka kheyriga ah oo taakulo iyo wax urursi maalmahan barakaysan ka wada masaajidada iyo goobaha kale ee dadku isugu yimadan si loo ciidsiiyo dadka aan u helin dhaqaale inay ciidaan , dhawrka cisho ee ka hadhay maal maha ciida borama waxay u tahay maalo mashquul iyo wax i dhaafsigu badan yahay , waxana dadka wajiyadooda ka muuqata faraxsanan dheeraad ah , oo ay ku faraxsanyhiin ramadan oo bil cibado wanagsan ahayd iyo malmihii ciida oo soo food saaray,
  isku soo wada duuduuboo waxa borama magan u ah dad fara badan oo ku ciidi doona borama oo laga dareemayo magalada sida dadka kasoo xagaa baxay jabuuti iyo dadkale oo magalada marka horeba ku joogay qoxooti ahaan sida dad badan oo koonfur ka yimiday in badana joogay borama, waxan eegnaaba wa borama iyo maalmaha ciida oo aan wax badan akhyaarta barha netke ee debaha iyo dalka ku noolba la wadaagi doono , waxanan idin leenahay soonkan kiisa alaha barwaqo inagu gaadhsiiyo, kana fadligiisa allaha ina siiyo , ciidana allaha caafimaad inagu gaadhsiiyo